Degmada Ceel-Cadde

Home of Ahmed Garaad (Gurey) and Amiir Nuur (Ina Nuur)

Degmada Ceelcadde oo isu diyaarineysa dhismaha maamul ay yeelato

Posted by ceelcadde on January 15, 2008

Degmada Ceelcadde oo kamid ah degmooyinka gobolka Gedo ayaa waxaa ay isu diyaarineysaa sameynta maamul degma oo ka kooban qeybaha kala duwan ee maamulka sida guddoomiye, ku xigeenka, xoghaya maamulka iyo qeybaha kale ee waaxyaha hoose. Read the rest of this entry »

Posted in Uncategorized | 5 Comments »

Wasiiru-dawlaha arimaha gudaha ee DFKMG oo ka codsaday in degmada Ceel-Cadde ay soo dirsato ergo, degmo ahaana uga qaybgasho shirka G/haarey

Posted by ceelcadde on October 19, 2007

SayidWasiiru-dawlaha arimaha gudaha ee DFKMG ah mudane Maxamud Sayid Aadan waxaa uu ka codsaday in degmada Ceel-Cadde oo dhawaan ku soo biirtay degmooyinka gobolka Gedo inay soo dirsato ergo uga qaybgasha shirka G/harey ee lagu dooranayo maamulka gobolka iyo degmooyinka.

 Degmada Ceelcadde oo leh maamul ku meel-gaar ah oo waajibaadkiisu ahaa muddo hal sano oo ka bilabanayso bilowga sanadka 2007-ka ayaa ah mid iyada laftigeeda u tartamaysa gudoomiyaheeda cusub.

Maamulka ku meel-gaarka ah ee uu hadda madaxda ka yahay guddoomiye Cabdi Maxamed Cabdille ayaanay wali soo bixin cidda la tartamaysa ee majaraha u qaban doonta degmada cusub, howlo adagna ay ku soo wajahmi doonaan nidaamka ka dhalan doona

Posted in Uncategorized | 2 Comments »

Deegaanadee hoos imaan doona degmada Ceelcadde?

Posted by ceelcadde on October 17, 2007

Maadaama ay Ceelcadde noqotay degmo ka tirsan degmooyinka gobolka Gedo, su’aashu waxay tahay deegaanadee hoos imaan doona degmada Ceelcadde, asbaabahee bayse ku hoos imaanayaan: Masaafo, codka dadka, sharciyan wax qoran? Dhiibo fikirkaaga? Read the rest of this entry »

Posted in Uncategorized | 26 Comments »

Ceel Cadde oo ay DFKMG ah u magacowday degmo iyo dikreetadii oo ku lifaaqan

Posted by ceelcadde on October 17, 2007

 

Wasaaradda arimaha gudaha dawladda fadaraalka ku meel gaarka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqday in deegaanka Ceel-Cade ee gobalka Gedo si rasmi ah loogu magacaaway dagmo ka tirsan Dagmooyinka uu ka kooban yahay guud ahaan gobalka Gedo.

Shir’jaraaid oo uu maanta ku Qabtay wasiiru dawlaha arimaha gudaha Ahna ku simaha wasiirka arimaha gudaha xarunrta wasaaradda ayuu ku sheegay kadib markii wasaaradooda ay aragtay in deegaanka Ceel-Cade ee buuxisay dhamaan shuruudihii looga baahnaa ay wasaaradooda garwaaqsatay in loo magacaabo deegaankaasi dagmo. Read the rest of this entry »

Posted in Uncategorized | 2 Comments »

Ceel-Cadde degmo ma u qalantaa, maxayse ku kasbatay?

Posted by ceelcadde on October 6, 2007

Ceel-Cadde oo dad badan ay ugu yeeraan degmo qaarna tuulo, qaarna beel ayaa lagu tiriyaa inay ka mid tahay tuulooyinka sida aadka ah u koray ee gobolka Gedo.  Waxgaradkooda ayaa u ololaynaya inay degmo ahaan uga qayb galaan barnaamijyada gobolka ka socda. Hadaba su’aashu waxay tahay ma u qalantaa degmo, maxaad ku cadaynaysaa, yaase u magacaabi kara degmo?

Ceelcadde waxay caasimadda gobolka Gedo u jirtaa qiyaas dhan 65Km, waxayna ku taallaa bartamaha gobolka Gedo

Digniin: Fadlan fikirkaaga dhiibo sida ugu wanaagsan. Aflagaadadu waa reeban tahay, waxaanan kaa joojinaynaa inaad mar dambe isticmaasho Ceel-Cadde comments’ page.

Posted in Uncategorized | 34 Comments »

Kumuu ahaa Imaam Axmed Ibraahim Gurey? Halgankii Geeska Afrika by: Sh. C/raxmaan Bayad Buugii “Futuxul-Xabash”

Posted by ceelcadde on July 28, 2007

Imaam Ahmed Gurey Mosque in Harar Ethiopia

Qaybta koobaad  Qaybtii labaad  Qaybtii sadexaad  Qaybtii afraad  Qaybtii lixaad  Qaybtii shanaad

 Insha allahu tacaalaa waxaa inoo soo gudbinayo muxaadaraadaan Sh. C/raxmaan Bayd. Waa buug la yiraahdo “Futuxu-al-Xabash”.  Si aad ah ayaa loogu muran san yahay Imaam Axmed Ibraahim oo ku magaca dheer “Axmed Gurey” afka qalaadna ay ku naanaysaan “Ahmed Grang” asal ahaan meesha uu ka soo jeedo. Turkiga, Itoobiyaanka, iyo Soomaalida ayaa si aad isugu haysta. Laakin buugaan waxaa uu cadaynayaa in Axmed Gurey uu ahaa nin Soomali ah Adeerna uu ahaa ninkii markuu dhintay la wareegay imaamnimadiisa oo la oran jiray “Amiir Nuur”.  Fadlan si taxadar leh u dhuux muxaadaradan iyo buugaba si aad u ogaato Axmed Gurey iyo Amiir Nuur waxay isu ahaayeen iyo dadyowga ay ka so jeedaan labaduba. Baarakal laahu fiika

Posted in Uncategorized | 91 Comments »

Maxaa Keena nabaad guurka dhulka (Geed abuur hadaad mid goyso)

Posted by ceelcadde on July 27, 2007

acacia treeAdduunka maalinba maalinta ka dambaysa waa uu sii kululaanayaa. Kulaylkaas oo loo kala saaro mid dabiici ah iyo mid sababteeda ay dadku leeyihiin. Midka dabiiciga ah ayaa ah midka uu keeno kala wareega xilliyada sida guga, jiilaalka, dayrta iyo xagaaga. Kulaylkaan oo ah mid ay nooluhu dhamaantiis u baahan yahay, nooleeyana waxa afka qalaad lagu yiraahdo “Ecosystem”.

Midka dadka uu keeno oo ah mid aad u dhibaato badan ayaa ah midka ay dadka iyo xooluhuba cagta mariyaan. Dhirta la jaro, xoolaha oo bata, waxay keenaan roob yaraan iyo nabaad guur.

Waxaa cad in deegaanka Ceel-Cadde ay ku nool yihiin xoolaha ugu badan ee gobolka Gedo. Tirobadnida xoolaha iyo dadka oo jara dhirta waxaa ay keentay in dhulkii uu nabaadguuro, dhulkiina ay ka soo baxaan geedo  sida quraca, cadaadka iyo kaxarka. geedahaas oo ah kuwo loo yaqaan geed abaareed. Xooluhu markay cunaana waxay raacaan saxaradooda iyagoo markiiba aad arkayso geedo qurac oo wadankiba qabsaday.

Hadaba, waxaa lagaa doonayaa inaad is xilqaanto oo aadan jarin geedaha noocay doonaanba ah ahaadeena. Hadaad moodayso in quruca iyo cadaadku aysan manaafacaad lahayn oo haddii la jaro aysan dhib lahayn waa khalad.

Abuur geed haddaad mid goyso

Posted in Uncategorized | 7 Comments »

Mag la kala qaato ayay ku heshiiyeen Beelaha Reer Garaad iyo Reer Xasan

Posted by ceelcadde on June 11, 2007

Wararka naga soo gaaraya degmada Ceel-Cadde ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in labada beelood ee Reer xasan iyo Reer Garaad ay ku heshiiyeen inay mag kala qaataan dilkii loo gaystay marxuum Cumar Maxamud Warsame. Dilkaas oo ka dhacay oo tuulada Ceel-Guduud ayaa ahaa mid aanan ujeedo lahayn laakiin si kama’a ah u dhacay.

Dilkaas ayaa dhacay ka dib markii kooxo hubaysan oo muransan rasaas ay isla beegsadeen ay haleeshay Cumar Maxamud Warsame oo goobta ay rasaastu ka dhacyday ku sugnaa.

Gogol loo fadhiyey in muddo ah degmada Ceel-Cadde ayaa beesha Reer Garaad ogolaatay inay mag ka qaataan marxuumkaas. waxaa kaloo la isla soo qaaday dilal kale oo beesha ka dhex dhacay, waxaana laysla ogolaaday in dilalka noocaan oo kale ah lagu dhameeyo xeerar ay dhigteen waxgaradkaas gogosha fadhiday.

Posted in Uncategorized | 9 Comments »

Maamulka degmada Ceel-Cadde oo lix bilood jirsaday, lix biloodna ay u harsan tahay

Posted by ceelcadde on June 10, 2007

maamulka ceecaddeMaamulka degmada Ceel-Cadde ee la soo dhisay muddo lix bilood hadda laga jooga ayaaanan wali soo bandhigin waxqabadkooda iyadoo xilligiii loogu talagalay inay xilka hayaan ay ka harsan tahay muddo lix bilood oo kaliya.

Maamulkaan oo uu gudoomiye ka yahay Cabdi Maxamed Cabdille ayaa dhici doona muddo ku siman lix bilood iminka.

Sida uu qorayo go’aamadii ka soo baxay shirkii la qabtay bishii janaayo 2007 ee lagu soo dhisay maamulka degmada Ceel-Cadde, waxaa uu shaqayn doonaa muddo sanad ah. ka dibna xubnaha hadda maamulka ku jiro waxay xaq u leeyihiin inay doorasho kale u soo istaagaan.

Maadaama hadda ay ka harsan tahay 6 bilood oo qura waqtiga  waajibaadkooda ka harsan  ayaa la doonayaa inay soo bandhigaan waxay ku soo kordhiyeen degaanka iyo shacabakaba. iyadoo lagula xisaabtami doono waxqabadkooda.

Shirkii lagu soo doortay maamulkaan oo loo fadhiyey muddo bil ku dhow ayaa waxaa ku baxay aduun aad u badan iyo dhaqaale ay baxsheen jaaliyadda dibadda ku dhaqan ee ka soo jeedda degaanka.

Posted in Uncategorized | 6 Comments »

Golaha Guurtida iyo maamulka ee Degmada Ceel-Cadde

Posted by ceelcadde on June 10, 2007

Waxaa shir ballaaran isugu yimid waxgaradka deegaanka degmada Ceel-Cadde taariikhdu markay ahayds 01/03/07, shirkaas oo ku saabsanaa hagaanjinta nidaamyada dhaqanka iyo maamulka ee degaanka, waxaana shirka gabagabadiisa la soo saaray go’aamada hoos ku qoran:-

  • Samaynta gole guurti oo ka kooban 32 xubnood.
  • Dhismaha guddi maamul oo ka kooban 17 xubnood
  • Ansixinta qaabka magaha (Mag dheer, Rafiso, Dhignool iyo dumaasha)

Magacyada golaha guurtida ee deegaanka Ceel-Cadde

  • Sh. C/laahi Cabdi Ciise
  • Maxamed Axmed Faarax
  • Xaaji Maxamed Barkhadle Guuleed
  • Ismaaciil Busuri Maxamed
  • Axmed Maxamud Cusmaan
  • Caddow Sh. Xasan Cumar
  • Buulle Ciise Maxamud
  • C/laahi Xuseen Cumar
  • Cabdi Cumar Cabdi
  • Maxamud Cabdi Guuleed
  • Maxamed Jaamac Aadan
  • Sh. Maxamud M. Yuusuf
  • Cali Axmed Jaamac
  • C/waaxid Siraad Maxamed
  • Cumar Maxamed Maxamud
  • Cali maxamed Cismaan
  • M. Kunne Cabdi Aadan
  • Sh. Axmed Sh. Xasan
  • Axmed M. Xasan Aadan
  • M. C/laahi Cismaan Cabdi
  • Nuur Maxamed Yuusuf
  • Daa’uud Cabdi Cabdulle
  • Aadan Xuseen Ciye
  • X. Maxamed Maxamud Warsame
  • Maxamed Cilmi Warsame
  • Sh. Cali Aw Muuse Ciise
  • M. Maxamed Ibraahim Cumar
  • Xuseen Sh. Xasan Cabdulle
  • Maxamed Cabdi Aadan (Iris)
  • M. Aadan Cabdi Geeseey

Magacyada Guddiga Maamulka Ceel-cadde

  • Cabdi Maxamed Cabdulle-Gudoomiye
  • Cali M. Aadan Cabdi-G/xigeenka 1-aad
  • Sh. Axmed Sh. Xasan-G/xigeenka 2-aad
  • Aadan Xuseen Ciye-madaxa garsoorka iyo cadaaladda
  • M. C/raxmaan Sh. Xasan-Madaxa Caafimaadka
  • Maxamed Cali Axmed-madaxa Waxbarashada
  • Cali Maxamed Xaashi-madaxa nabadgelyada
  • Ibraahim Xuseen Cumar-madaxa dhulbixinta iyo arimaha degaanka
  • C/risaaq Xuseen Ismaaciil-madaxa horumarinta biyaha, korontada iyo isgaarsiinta
  • Cumar Cismaan Muxumed-madaxa dowladda hoose ahna khasnajiga guud
  • Axmed Maxamud Cismaan-xubin
  • Aadan Guure Maxamed-xubin
  • Maxamed Yaaquub Aadan-xubin
  • ismaaciil Iimaan Axmed-xubin
  • C/raxmaan Aadan Guuroow-xubin
  • M. Maxamed Ibraahim Cumar-xubin
  • Barre Maxamed Hurre-xubin

F.G iyadoo la tixgalinaayo qaabka deegaanka iyo ku haboonaashaha ayaa si qiyaas ah loo soo xulay guddiga deegaanka iyo madaxa waaxyahaba. Wuxuuna gudigaas shaqaynayaa muddo hal sano ah oo ka bilaabmaysa 01/03/2007

Gedoweb Online
G/haarey, Gedo

Posted in Uncategorized | 3 Comments »